Kooxda Al-Shabaab ayaa xalay weerar culus ku qaaday Saldhig Ciidamada Kenya ay ku leeyihiin dhinaca Koofureed ee magaalada Wajeer, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal socday mudo ku dhow 30 Daqiiqo oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalyahanada Shabaab ee weerarka qaaday oo si aad isu soo abaabulay, ayaa waxaa u suura gashay iney gacanta ku dhiggaan Saldhigga kadib markii ay isaga cararaeen Ciidamada Kenya, iyadoo ugu danbeyn Kooxdan ay dab qabadsiisay Saldhigga gabi ahaantiis.

Cali Aw Dool oo kamid ah Saraakiisha Ciidanka Kenya ee deegaanka ayaa Warbaahinta dalkaasi u sheegay in Kooxdan bartilmaameedkooda uu ahaa laba dagaal yahan oo iyaga ka tirsan, kuwaasoo xabsiga ku jiray, iyadoo ay Shabaab gudaha qolalkii ay ku xirnaayeen ku toogtay labada dagaal yahan ee hore looga soo qabtay.

Kenya waxa ay sheegtay in Labo ka mid ah saraakiisheeda Booliska iyo mid ka mid ah Keydka Booliska Kenya ay kaga dhaawacmeen weerarkan, iyadoo sidoo kale ay Kooxdan hore u sii qaadatay Hub iyo Dukumintiyo yaalay Saldhiggan.

Weerarkan ayaa dhacay xalay,Al-shabaab wali dhankooda kama hadlin, sidoo kale ma jirto cid ka madaxbanaan dowladda Kenya oo ka hadashay weerarka ka dhacay Duleedka Wajeer.