Taliska AMISOM ayaa war saxaafadeed ka soo saaray dhacdadii maalin ka hor lagu dilay Almaas Elman oo aheyd gabar u ololeysa dhinaca nabadda, horayna Diblomaasi u soo noqotay, iyadoo lagu toogtay gudaha Xerada Xalane.

War saxaafadeedka ka soo baxay AMISOM ayaa lagu sheegay in nasiib darro ay aheyd dilkii 20-kii bishan loo geystay Almaas Elman, waxaana AMISOM balan-qaaday inay kala shaqeyn doonto dowladda Federaalka baaritaanka kiiskaas.

“Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), ayaa shalay bilaabay baaritaanno horudhac ah oo ku saabsan geerida naxdinta laheyd Marwo Almaas Elman Cali Axmed oo aheyd gabar Diplomasi hore ah, una Dhaqdhaqaaqda Nabadda oo ay rasaas ku dhacday. 14.34 saac markay tahay Novemberr 20, 2019 xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.

Sidoo kale War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in xilliga xabada ku dhaceysay Almaas ay u safreysay dhanka garoonka diyaaradaha Aadan cadde, xilligaasoo ay ka dhoofi laheyd, kaddib markii ay ka qeyb gashay kulan ka dhacay Xerada Xalane.

War saxaafadeedka AMISOM ayaa lagu sheegay in Almaas ay ka mid aheyd saddex qof oo gaariga saarnaa, waxaana rasaasta ay kaga soo gashay daaqada dambe, oo ku aadaneyn kursiga gadaal ee ay fadhisay, waxaana ay ku geeriyootay Isbitaalka Level II ee AMISOM maamusho.

AMISOM ayaa sheegtay in markiiba ay sameysay Guddi Baaritaan oo booqday goobta, isla markaana ay wareysteen darawalka iyo qaar ka mid ah goobjoogayaal ka ag dhowaa goobta wax ka dhaceen, waxaana war saxaafadeedka lagu sheegay in baaritaanada horudhaca ay muujinayaan in rasaas meel kale ka timid ku dhacday, iyadoo aan la soo sheegin xerada gudaheeda ee uu shirka ka dhacay aanay wax rasaas ah ka soo dhicin

“AMISOM waxay si wada jir ah ula shaqeyn doontaa dowladda Federaalka, ciidamada amniga Soomaaliya iyo hayadaha kale si ay si buuxda baaritaan ugu sameeyaan dhacdada. Natiijooyinka waxa lala wadaagi doonaa dadweynaha”ayuu lagu yiri War saxaafadeedka.

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa shaaciyay inuu baaritaan ku sameynayo dilkaas, isla markaana u saaray Guddi saraakiil ah.