Maalin kaddib markii ay ammaanka xarunta Gobolka Banaadir la wareegeen Ciidamo cusub oo loo yaqaano Ciidanka Birmadka ee ka tirsan Booliska Soomaaliyeed, ayaa waxaa saaka gudaha xarunta ka bilowday howlgallo baaritaano lagu sameynayo xafiisyada.

Sida wararku sheegayaan howlgalkan ayaa dhacay saacadihii hore ee saaka, iyadoo la arkayay Ciidamada oo adeegsanaya Eeyaha u tababaran urinta waxyaabaha qarxa.

Baaritaanada ka socday Xarunta Gobolka Banaadir ayaa yimid, iyadoo maanta ay kulan leeyihiin Guddoomiyaha Gobolka Banaadir iyo Guddoomiyeyaasha degmooyinka oo sida caadiga ah kulamada ay dhacaan Maalin Arbaco ah.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Birmadka ee Booliska ay qol qol u baarayaan xafiisyada iyo qeybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay Xarunta Gobolka Banaadir.

Qaar ka mid ah Shaqaalaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in saaka si ka duwan sidii hore loo baarayo, isla markaana ammaanka xarunta si aad ah loo adkeeyay.

Ciidamadii Booliska ee horay u joogay Xarunta ayaa shalay laga wareejiyay, labo bil kaddib markii xarunta Gobolka Banaadir uu ka dhacay qarax ismiidaamin ah oo lagu dilay Guddoomiyeyaal degmo, howlwadeeno iyo Guddoomiyihii Gobolka Banaadir, waxaana weerarkaas sheegatay Al-Shabaab.