Xubnaha Aqalka Sare ayaa maanta ku yeeshay xarunta Aqalka Sare Kulankii 21 aad ee Kalfadhiga 6aad iyada oo uu shir Guddoomiyay Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Abshir Maxamed Axmed.

Kulankan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddomiye Ku-xigeenka 2aad ee Golaha Aqalka Sare Senatar Mowlid Xuseen Guhaad iyadoo uu ajandaha kulanka ahaa Akhrinta 3-aad ee Hindise-Sharciyedka Canshuuraha Furdooyinka.

Guddomiye Ku-xigeenka Guddiga Dhaqaalaha Golaha Aqalka Sare Sentar Deeqa Xasan Xuseen ayaa Golaha Ka-hor akhrisay Akhrinta 3-aad ee Hindise-Sharciyeedka Canshuuraha Furdooyinka oo sheegtay soo jeeddinada sentarada.

Guddiga Dhaqaalaha, Maaliyadda,Ganaacsiga,Warshadaha,Isgaarsiinta iyo Dalxiiska ee Aqalka Sare ayaa mariyay Akhrinta 3-aad ee Hindise-Sharciyeedka Canshuuraha Furdooyinka.

Golaha Aqalka sare aya ansixiyey iyagoo marsiiyay Akhrinta 3-aad ee Hindise-Sharciyeedka Canshuuraha Furdooyinka.Waxaa Ogaalada 32 senatar ,wax diiday iyo wax ka amuusay majiro.