????????????????????????????????????

Munaasabad kooban oo lagu sagootinayay 22 Arday  oo ka kala socotay hay’adaha kala duwan ee Dowladda ayaa  deeq waxbarasho ka helay Jaamacadda shaqalaha Dowladda Itoobiya 2019/2020.

Munaasabadda Ardayda lagu sagootinayay ayaa waxaa ka qeybgalay Wasiiru Dowlaha wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, C/raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir, mas’uuliyiinta wasaaradda waxbarashada, Safiirka Ethiopia ee Soomaaliya  Amb; Jamaludin Mustafa iyo marti sharaf kale oo lagu casumay.

Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya , Jamaaludiin Mustaf ayaa sheegay in Dowladda Itoobiya ay diyaar u tahay kordhinta deeqaha waxbarasho ee ay siiso Ardayda Soomaaliyeed.

Wasiiru Dowlaha Waxbarashada waxbarashada C/raxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabir, ayaa uga mahad celiyay Dowladda Itoobiya deeqdan, wuxuuna intaa raaciyay in ay ka go’an tahay in ay sii horumariyaan wax barashada Ardayda Dalka.

“Waxaan maanta xaflad sagootin ah u samaynay qaar ka tirsan Shaqaalaha Dowladda oo deeq  waxbarasho ka helay Dalka Ethiopia gaarin ahaan jaamacadda shaqalaha Dowladda Itoobiya 2019/2020, ayuu yiri Wasiiru Dowlaha.

Ma aha markii ugu horeysay ee arday Soomaaliyeed ay deeq waxbarasho ka hesho dalka Ethiopia, waxaana sanad walba ka hela dalka Ethiopia deeqo waxbarasho arday Soomaali ah.