Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubadda Hoose ayaa sheegaya in askari ka tirsan ciidanka Jubbaland uu xalay qof shacab ah ku dilay mid ka mid ah xaafadaha magaaladaas.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in muran uu dhex maray qofka la dilay iyo askariga wax dilay, iyadoo durba uu goobta ka baxsaday askariga dilka geystay.

Ciidamada ammaanka ayaa xaafadaha magaalada Kismaayo ka baadigoobayay askariga gacan ku dhiiglaha, waxaa la sheegay inuu u baxsaday dhinaca deegaanada miyiga ah ee dhaca duleedyada Kismaayo.

Dilka xalay ka dhacay Kismaayo ayaa qeyb ka ah dilal maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay magaalada Kismaayo, iyadoo dhowr cisho ka hor lagu dilay magaalada Nabadoon caan ahaa.

Magaalada Kismaayo ayaa isu diyaarineysa doorashada Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha Jubbaland, waxaana taagan weli is mari waa siyaasadeed oo ku saabsan hannaanka doorashada oo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ay ka soo horjeedo qaabka wax loo wado.