Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe”ayaa sheegay in imaanshaha magaalada Kismaayo ee wufuuda kala duwan aysan ku ekeyn oo kaliya caleema saar balse loo yimid dano badan.

Axmed Madoobe oo la hadlayay wufuudii gaartay maanta magaalada Kismaayo ayaa soo dhoweyn kadib waxa uu sheegay in sababaha loo yimid Kismaayo ay ka mid tahay in la tashado lana wadahadlo.

“Dano badan ayaa loo yimid,ma aha caleema saar kaliya, in la wadahadlo in la wadatashado xaggeen u soconaa waa wax caadi ah oo la isweydiiyo ay muhiim tahay,”ayuu yiri Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay ku jirto xaalad adag oo loo baahan yahay in Soomaliya ay tashato.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa caawa ku hoyana siyaasiyiin badan oo xilal ka haya dalka iyo qaar hore xilal u hayay oo ay ku jiraan Madaxweynayaal hore.

Ammaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay iyadoo wadooyinka magaaladana la dhigey ciidamo badan oo sugaya ammaanka.