Gaari nooca ciidamada ay wataan ee loo yaqaan Cabdi Bilaha ayaa ku diley afar dhalinyaro ah oo kaxaynayay mooto bajaaj meel ku dhow isgoyska Ex-Control Afgooye.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada falka geystey ay ahaayeen kuwa sida gaar ah u tababaran.

Lama oga sababta keentay in gaarigan uu burburiyo gaadiidka bajaajta loo yaqaan oo gaadiidka ugu badan ee yaal magaalada Muqdisho.

Ciidamada dowlada gaadiidka ay wataan ayaa badanaa ku socda xowli sare iyagoo ka baqaya in qarax miino lala eegto.

illaa hadda ma jirto wax war ah ooka soo baxay ciidamada dowlada,waxaana sidoo kale saaka lagu diley darawal bajaajle ah iyadoo tirada darawalada bajaajleyda ee la diley maanta oo kaliya gaartay shan ruux.