Baarlamaanka ay soo dhiseen Golaha la baxay Is bedel doonka Jubbaland ayaa C/rashiid Maxamed Xidig ku doortay guri ku yaalla magaalada Kismaayo, iyadoo doorashadan ay tahay tii la filayay ee ay iclaamiyeen inay qabanayaan Musharaxiinta mucaaradka.

Doorashada ayaa ka dhigan in Jubbaland ay yeelatay Labo madaxweyne, iyadoo dhinaca kale ee doorashada Madaxweynaha ee uu ku tartamayo Axmed Madoobe ay socoto, lana filayo in iyana lagu dhawaaqo.

Hase ahaatee waxaa cajiib aheyd in doorashada ay qabsanayeen Baarlamaanka is bedel doonka Jubbaland in saacad gudahood ku soo gabagabowdo, isla markaana laga hormaro doorashadii kale ee ka socotay.

C/rashiid Maxamed Xidig waa Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, isagoo ka mid ahaa Musharaxiintii sida weyn uga soo horjeeday Axmed madoobe ee qaadacay Guddiga doorashada Jubbaland.