Qaar ka mid ah duqeyda gobolka Bari ee Maamul goboleedka Puntland ayaa u gudbiyay baarlamaanka maamulkaas cabasho ka dhan duqeyn ay dad rayid ah ku dhinteen bishii hore dad rayid ah.

Qoraalka cabashada ah ee ka soo baxday cuqaasha iyo nabaddoonada gobolka Bari, ayaa maanta la horgeeyay Baarlamanka ,waxaana mudanayaasha u akhriyay xoghayah golaha wakiilada Cabdirisaaq Xiddig Warsame.

Duqeyda ayaa waxaa ay qoraalkooda ku sheegeen in 25kii October ee sannadkan ay diyaarado duqeeyeen dad rayid ah oo ku sugnaa togga Cameyra ee degmada Isku-shuban oo ka tirsan gobolka bari , halkaasina lagu dilay laba qof oo shacab ah mid kalena lagu dhaawacay.

Cuqaasha iyo nabaddoonada ku saxiixan warqadda oo ay weheliyaan ehelada dadka la sheeday in la laayay, ayaa dowladda Puntland ka dalbaday, in la caddeeyo cidda ka dambaysay falkaasi, islamarkaana lagula xisaabtamo dhibki ay gaysatay.

Duqeymaha laga geysto gobolo ka mid ah dalka Soomaaliya ayaa waxaa badanaa fuliya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee laga leeyahay dalka Maraykanka.

Hase yeeshee ciidamada Maraykanka ayaa marwalba sheega inaysan jirin cid rayid ah oo ay ku dileen inta badan duqeymaha ay geystaan.