Dadweyne faro badan oo ka soo horjeeday xarig  saaka waaberigii loo geystey inkabadan boqol ruux oo laga soo qabqabtay guryahooda iyo wadooyinka xaafada Hantiwadaag ayaa maanta ka dhacay magaalada Jowhar.

Dadkan banaanbaxayay ayaa waxaa ay wadooyinka qaarkood ku gooyeen lugo baabuur oo la gubay,waxaana markii dambe dadkan banaanbaxayay ayaa waxaa rasaas ku kala eryey ciidamo Boolis ah.

Hase yeeshee guddoomiyaha degmada Jowhar Cismaan Maxamed Muqtaar ayaa ugu baaqay dadka banaanbaxayay inay isdejiyaan oo ku kalsoonoodaan maamulkooda.

“Dadka la qabqabtay waxaa lagu sameynayaa baaritaan cidii aan wax lug ah ku lahayn falkii xalay lagu diley guddoomiye ku xigeenkii amniga gobolka Muxumad Sugaal waa la sii deyn doonaa,”ayuu yiri guddoomiye Baarey.

Dhinaca kale waxaa gurigiisa ciidamo boolis ah ay ka soo kaxeeyeen weriye Cabdicasiis  Macalin Foolyarey oo ka mid ah saxafiyiinta magaalada Jowhar isagoo loo haysto warar uu bartiisa facebook ku qoray kuwaasoo la xiriira dilka guddoomiye ku xigeenka amniga iyo banaanbaxyada maanta ka dhacay magaalada Jowhar.