Qaar ka mid ah culumada suufiyada oo isugu jira rag iyo dumar ayaa maanta banaanbax ay ugaga soo horjeedaan muxaadarada la qorsheeyay in uu ku qabto garoonka kubbada cagta ee Inj Yariisow Sheekh Cabdi Umal ka dhigey maanta magaalada Muqdisho.

Dadkan banaanbaxyay oo sitey calamo waaweyn ayaa isugu soo baxay afaafka hore ee garoonka Inj Yariisow waxayna dalbadeen in aanuusan ku qaban garoonka Muxaadaro Sheekh Cabdi Uma loo ka mid ah culumada Soomaaliyeed.

Banaanbaxan ayaa la xiriira war uu shalay sheegay Sheekh Soomow kaasoo uu ku tilmaamay Sheekh Umal inuusan ahayn wadaad daacad ah.

Iyadoo lagu waday in maanta ay ka dhacdo muxaadaro garoonka Inj Yariisow ayaa dib loo dhigey illaa iyo maalinta Axadda.

Halkan hoose ka daawo banaanbaxa ay dhigeen culumada Suufiyada.