Banaanbaxyo waaweyn oo loogaga soo horjeedo  Abiy Ahmed Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ee dhowaan ku guuleystey abaalmarinta Nabadda iyagoo gubay buugga uu dhowaan soo saaray Abiy Ahmed.

Dadka banaanbaxyada dhigayay ayaa ku dhowaaqayay halkudhegyo ay ka mid yihiin ha dhaco Abiy.

Dadka banaanbaxayay ayaa waxa ay taageerayeen siyaasi mucaarad ah oo leh warbaahin Jawar Maxamed kadib markii uu Jawar sheegay in dowladu ay qorsheyneyso in laga qaado ilaaladiisa gaarka ah.

Banaanbaxyadan ayaa waxa ay ka qarxeen magaalooyinka ku yaal gobolka Oromia iyo caasimada Addis Ababa halkaa oo uu ku nool yahay  Mr Jawar oo sanadkii hore ka soo laabtay masaafuris.

Magaalada ku taal bariga Itoobiya ee Dadar ayaa dadka banaanbaxayay waxa ay gubeen nuqulo ka mid ah  buugga Mr Abiy kaasoo la daabacay kadib markii uu ku guuleystey billada Nobel 11kii bishan Oktobar.

Taliyaha ciidamada Booliska Itoobiya  Endeshaw Tasew ayaa amray in ciidamadu ay dib u furan wadooyinka soo gala magaalada caasimada ah.

Taliyaha Booliska Itoobiya ayaa sheegay in ammaanka dalka Itoobiya uu wanaagsan yahay sidaa darteedna aan loo baahnayn ilaalo gaar ah inay yeeshaan siyaasiyiinta.

Banaanbaxyadan ayaa ku soo beegmaya xilli uu ka maqan yahay dalka Itoobiya dalkiisa isagoo ka qeybgalaya shirka ka furmay magaalada Sochi ee dalka Ruushkaa kaasoo u dhexeeya madaxda dalalka qaaradda Afrika iyo dowlada Ruushka.