Iyadoo bishii November ee sanadkii hore warbixin ay qortay Kooxda Qaramada Midoobey u qaabilsan dabagalka arrimaha cunaqabateynta Soomaaliya ee loo yaqaano Monitoring Group waxaa qeybo ka mid ah warbixintaas ku jiray eedeymo loo soo jeediyay Taliyaha Booliska Gobolka Banaadir Jen. Saadaq John.

Laanta afka Soomaaliga ee VOA ayaa warbixin gaar ah ka sameysay eedeymaha, waxaana Warbixinta qeyb ahaan aheyd mid qarsoodi ah oo lala wadaagay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey, waxaana eedeymaha ka mid ah inuu hoggaaminayay weerarlkii lagu qaaday Guriga Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur bishii December ee sanadkii 2017, weerarkaasoo lagu dilay shan ka mid ah Ilaalada Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur.

Qareenka u doodaya Jen. Saadaq John oo lagu magacaabo Jeremt Schulman uu sheegay in aanu wax lug ah ku laheyn weerarkaas, isla markaana aanay qeyb ka aheyn ciidankii qaaday, isla markaana amarka lagu bixiyay weerarka uu ka yimid Taliska Dhexe ee Hey’adda Nabadsugida.

Warbaahinta VOA ayaa warbixintan ku wareysatay C/raxmaan C/shakuur, Taliyihii hore Nabadsugida C/llaahi Sanbaloolshe iyo Qareenka u doodayay Saadaq John.

Halkan hoose ka dhageyso warbixinta VOA oo ay diyaarisay Falestine Axmed Iimaan :-