Madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa soo dhoweeyay dhaq dhaqaaqyada Siyaasadeed ee ka socda Muqdisho, kaddib markii maanta looga dhawaaqay Isbaheysi ay ku mideysan yihiin Xisbiyada Siyaasadda.

Qoraal uu bartiisa Facebook soo dhigay ayuu ku sheegay inuu soo dhoweynayo dhaq dhaqaaq waliba oo dhiira gelinaya nabadda iyo dimoqraadiyadda curdanka ee Soomaaliya ka hana qaaday, isagoo xusay inay jirto shaki weyn oo laga qabo qabsoomida doorasho leh hufnaan iyo hannaan ku dhacda doorashada 2021

“Waxaan soo dhaweynaa dhaq-dhaqaaq waliba oo dhiira-galinaya nabadda iyo dimuqaraadiyadda curdanka ah ee Soomaaliya ka hana qaaday, ayadoo ay jirto shaki weyn oo laga qabo qabasoomidda doorasho leh hufnaan iyo hannaan wadar-ogol ku salaysan oo dhacda sanadka 2021. Si gaar ah waxaan u soo dhaweynaa Madasha Xisbiyada ee maanta looga dhawaaqay Muqdisho, waxaana la qabaa walwalka ay ka muujinayaan kartida iyo bisaylka madaxda dowladda ay u leedahay gardaadinta iyo qabashada doorasho hufan oo caafimaad qabta”ayuu yiri C/kariin Xuseen Guuleed.

C/kariin Xuseen Guuleed ayaa la rumeysan yahay inuu ka mid yahay siyaasiyiinta miisaanka leh ee u hanqal-taagaya doorashada Madaxtinimada Soomaaliya ee sanadka 2021, waxaana uu muddooyinkan ka waday gudaha dalka iyo dibaddiisa dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed.

Si kastaba ha ahaatee maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa ka jiray Muqdisho dhaq dhaqaaqyo siyaasadeed, iyadoo arrintan loo aaneynayo tallaabadii dowladda Soomaaliya ku xayirtay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif oo ku sii jeeday Kismaay