Agaasimaha Machadka Daraasaadka Siyaasadda C/rashiid Khaliif Xaashi ayaa ugu baaqay dowladda Federaalka inay Kismaayo ka qaado xayiraada diyaaradaha ee ay todobaadkii hore saartay.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu waxaa uu si gaar ah ugu baaqay Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Wasiirka Gaadiidka Oomaar inay qaadaan xayiraadaas

“Dowladda Federaalka, gaar ahaan Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Wasiir Oomaar waa inay xayiraada ka qaadaan Kismaayo, maxaa yeelay waxay dhaawaceysaa Shacabka”ayuu yiri C/rashiid Khaliif Xaashi.

C/rashiid Khaliif ayaa hadalkiisa intaa ku daray “Al-Shabaab waxay go’doomiyeen Magaalooyinka, ma ahan Hoggaamiyeyaasha Dimoqraadiga, haddii ay arrimo kaala dhaxeeyaan Siyaasiyiinta waa in lagu xaliyaa wada hadal”

Dowladda Federaalka ayaa muddo 3 cisho ah oo xayiraad ku soo rogtay Diyaaradaha aada Kismaayo, waxaana mudadaas ka bilaabaneysay 23 bishan kuna ekeyd 26 bishan September, inkastoo mudadaas ay dhamaatay haddana weli waa saaran tahay xayiraada dhanka duulimaadyada.

Xafladii Caleema saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo ku qorsheysneyd 26 bishan September ayaa dib u dhac ku yimid, lamana sheegin waqti rasmi ah oo la qabanayo.