Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ah Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa si adag uga Jawaabay Eedeyn kulul oo uga timid qaar ka mid ah Culimada Soomaaliyeed oo uu ku jiro Sheekh C/qaadir Sheekh Maxamed Soomoow,  taasi oo aheyd in Siyaasiga uu u gafay Xadiis ka sugnaaday Nabi Muxamee NNKH.

C/raxmaan C/shakuur oo qoraal dheer ku soo qoray boggiisa Facebook ayuu ku sheegay in uusan soo qaadan xadiis goonni ah oo uu beeniyay, wuxuuna tilmaamay in uusan Inkirin saxiixnimada Xadiiska ay culimo badan ka hadleen.

Sidoo kale Siyaasiga C/raxmaan C/Shakuur ayaa sheegay in uu difaacay oo kaliya Dumarka iyo qiimahooda, isagoo xusay inuu yahay Nin Aqoon u leh diinta uuna Culimo badan wax kasoo Akhristay.

Hoos ka Akhriso qoraalka Jawaabta ee C/raxmaan C/Shakuur Warsame.

Waxaan baraha bulshada ku arkay fal celin laga sameeyey khudbad aan kula hadlay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Jarmalka ku nool, gaar ahaan qayb aan ku daafacayey kaalinta haweenka ee dhanka siyaasadda iyo bulshada. Falcelinta waxay u badnayd mid togan, waxaase jirta qayb si taban looga falceliyey.

Aniga waxaan sheegay in culimada qaarkood ay dumarka si bareer ah duudsiyaan xuquuqdooda iyo kaalintooda siyaasadeed, iyagoo sheega in “caqligooda iyo diintooda” ay yihiin kuwa dhiman oo naaqus ah; waxaan kale oo sheegay in xaqiraaddaa loo adeegsado axaaddiis been-abuurad ah oo faalso ah oo ay culimadaa jeebka kala soo baxaan.

Anigu marna ma aanan soo qaadan xaddiis goonni ah oo aan leeyahay xaddiis hebel waa been oo sanadkiisa السند (taxanaha warinta) ayaa daciif ah ama mawduuc ah ama matnigiisa المتن (erayada xadiiska), mana inkirsani saxiixnimada Xadiiska ay culimo badani ka hadleen, laakiin waxaa jirta axaaddiis badan oo saxiix ah xagga silsiladda tabinta laakiin u baahan in la macneeyo, lana waafajiyo quraanku iyo Axaadiista kale ee Nabiga (NNKKH), maqaasidda iyo ruuxda shareecada.

Sida aan soo xigtay qisadii Balqiis iyo aayado badan oo quraanka ahba iyo axaadiis badanba waxay muujinayaan in dumarku ay la mid yihiin ragga, waajibka diinta, ajarka iyo xasanaadka, farista wanaaga iyo reebista xumaanta u siman yihiin, ayna jiraan haween magac iyo maamuus weyn ku dhex lahaa, yeelana doona bulshada islaamka.