Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ka hadlay dadaalada la doonayo dhismaha dowlad goboleedka Galmudug oo ay hormuud ka tahay Xukuumadda Federaalka, isagoo ka digay in la dhiso maamul maqaar saar ah oo olole siyaasadeed lagu gaaro doorashada 2020/21.

C/raxmaan C/shakuur ayaa sheegay inay u baahan yihiin Galmudug loo dhisayo dadka deegaanka, balse aanay dooneyn Galmudug loo dhisayo in doorasho lagu galo sanadka 2020 sida uu hadalka u dhigay.

“Howsha la qaban doono ma mid lagu dhisayo Galmudug baa, mise waa mid doorasho lagu galayo sanadka 2020, sanadkii 2015 markii la dhisayay Galmudug waxaa loo dhisay doorashada 2016, dadka oo dhan waa ogaayeen, annaga ma rabno tii oo kale, oo ah Galmudug loo dhisayo doorashada 2020, waxaa rabnaa Galmudug loo dhisayo deegaanka”ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo xalay ka hadlayay kulan dood ahaa oo lagu qabtay Dhuusamareeb.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wada qorshaha lagu dhisayo Maamulka Galmudug, isla markaana waxaa la filayaa in dhowaan magaalada Dhuusamareeb ka furmo Shirweyne dib u heshiisiin oo loogu gogol xaarayo dhismaha Maamulka Galmudug.