Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland C/xakiin Dhoobo Daareed ayaa ku eedeeyay in weerarkii xalay lagu qaaday xarunta Baarlamaanka ee Garowe ay ka dambeyso Madaxtooyada.

C/xakiin Dhoobe Daareed ayaa sheegay in cida amarkaas bixisay uu yahay Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni oo ah Taliyaha Guud ee Ciidamada Puntland.

“Waxa weerartay waa Xukuumadda, waxayna ahaayeen ciidankii dowladda, waxaa hoggaaminayay Muxiyadiin Gacameyn, cida amarka bixisay waa Madaxweynaha, oo ah Taliyaha Ciidanka guud, ma jirto wax aan Madaxweynaha ogeyn oo la fulin karo, falkaas ciidanka fuliyay xoog bey damceen inay xarunta kula wareegaan, ilaaladana waa iska caabiyeen”ayuu yiri Guddoomiye Dhoobo Daareed.

Waxaa uu sheegay in haddaan amar laga heysan Madaxtooyada aanu Taliye Muxiyaddiin ku dhiiran karin inuu xarunta weeraro.

Xaalada magaalada Garowe ayaa saaka ah mid degan, kaddib dagaal culus oo xalay ka dhacay xarunta baarlamaanka, waxaana dagaalkaas ku geeriyooday illaa saddex ruux.