Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay nin hubeysan, kaasoo dil u geystay Askari ka tirsan Ciidanka Milatariga ee ka howlgala degmada Dayniile.

Dilkan ayaa ka dhacay galabta inta u dhexeysa Ex-Control iyo Haanta-Dheer, gaar ahaan Jaamacada Gaheyr qeybteeda xigta Dayniile, iyadoo ninka wax dilay lagu wareejiyay Taliyaha Saldhigga booliska degmada.

Ninka dilka geystay ayaa la sheegay inay qabteen Ciidamo kale, kaddib markii ay ku soo baxeen rasaastii uu askariga ku dilayay, waxaana ciidamadan ka ag dhowaa goobta ku amreen ninka hubeysan inuu hubka dhigo, dabadeedna waa uu is dhiibay, isagoo aan dagaalamin.

Taliyaha Saldhigga Booliska Dayniile Xiireey Muxudiin ayaa sheegay in ninka dilka geystay iyo Meydka askariga la geeyay xarunta dambo baarista ee CID.

Guddoomiyaha degmada Deyniile Maxamed Abuukar Jacfar ayaa boggaadiyay ciidamada ku guuleystay inay gacanta ku dhigaan gacan ku dhiiglaha dilka geystay, waxaana uu ka dalbaday Ciidamada kale inay laba jibaaraan howlgalada looga hortagayo ragga dilalka geysta.

Arintan ayaa ka mid ah dhacdooyinka naadirka ka ah ee Muqdisho ka dhaca in qof dil geysta la qabto, waxaana muddooyinkii u dambeeyay magaalada ka dhacayay dilal qorsheysan oo ay geysanayeen rag hubeysan oo ka baxsada goobta dilka ay ka geystaan.