Ciidamada Amniga dowladda Soomaaliya ayaa xalay howlgalo qorsheysan ka sameeyay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho.

Sida wararku sheegayaan howlgalkan ayaa inta badan laga sameeyay xaafadaha deegaanka Ceelasha Biyaha, halkaasoo lagu qabtay dhalinyaro looga shakiyay falal amni darro.

Ciidamada ayaa la sheegay in dadka ay qabteen isugu geeyeen meel fagaare ah, waxaana markii dambe kala baxeen shaqsiyaad bartilmaameed ahaa, sida ay sheegayaan dadka deegaanka.

Howlgalkii xalay ayaa la sheegay inuu daba socday weerar habeen hore lagu qaaday saldhig ciidamada dowladda ku leeyihiin deegaanka Arbacow oo u dhow Ceelasha Biyaha.

Deegaanka Ceelasha Biyaha oo u dhaxeeya Muqdisho iyo Afgooye ayaa tiro dhowr jeer ay Ciidamada Amniga howlgalo dad lagu qabtay ka sameeyay.