Qaar ka mid ah masaajidyada magaalada Jowhar dadkii  ku tukaday salaada subax ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii ay howlgalo saaka waaberigii ka sameeyeen ciidamo boolis ah xaafado ka mid ah magaalada Jowhar.

Dadkan oo tiradoodu lagu sheegay illaa  120 ruux ayaa lagu xirey saldhigga magaalada  Jowhar iyagoo dadkan qaarkood ay ku sii jeedeen goobahooda shaqo.

Dugsiyo quraan,iskuulo iyo goobo  badan oo ganacsi ayaa maanta xirnaa magaalada Jowhar kadib  markii dadkii ka shaqeynayay la xirey.

Saraakiisha ciidamada booliska ayaa waxa ay sheegeen inay baaritaano ku sameyn doonaan dadkan lagu soo qabqabtay howlgalada ay ciidamadu sameeyeen.

Xarriga dadkan ayaa yimid kadib  markii xalay uu ku dhintey qarax gurigiisa ka dhacay guddoomiye ku xigeenkii dhinaca amniga maamulka gobolka Sh/dhexe Muxumad  Sugaal Cismaan.

Allaha u naxariistee Muxumad Sugaal iyo wiil uu dhalay oo sagaal sano jir ahaa ayaa saaka lagu aasay qabuuro ku yaal duleedka magaalada Jowhar.