Ciidamada Booliska ayaa caawa magaalada Muqdisho ku toogtay nin hubeysan, kaasoo askari boolis ah dhaawac u geystay.

Falka toogashada ayaa ka dhacay agagaarka Seybiyaano ee degmada Hodan, halkaasoo ninka hubeysan uu askari ku dhaawacay.

Saraakiisha Ciidamada Booliska ayaa sheegay in ninka hubeysan uu isku dayay inuu baxsado, kaddib markii uu dhaawacay askariga.

Todobaadkii la soo dhaafay ayay aheyd markii Ciidamada dowladda ay Muqdisho ku toogteen nin hubeysan oo askari ku dilay degmada Yaaqshiid.

Maalmihii la soo dhaafay Ciidamada amniga ee dowladda Soomaaliya ayaa kordhiyay howlgalada lagu sugayo amniga, iyadoo ka hortagay dhowr isku day, waxaana Arbacadii la soo dhaafay degmada Wadajir lagu qabtay labo nin hubeysan, kuwaasoo askari ku dilay degmadaas.