Wararka ka imanaya degmada Balcad ayaa sheegaya in ciidamada milatari ah ay toogasho ku dileen nin doonayay inuu ku aaso miino duleedka degaanka Gololey oo 10km u jira Degmada Balcad.

Mid kamid ah saraakiisha dowlada eek a howlgala wadada u dhexeysa Jowhar iyo Balcad ayaa xaqiijiyay dilka qofka dhigayay miinada.

Sarkaalka u hadlay ciidamada ayaa sheegay in ninka uu watay bastoolad uu isku difaacayay

Waddada isku xirta Balcad iyo Jowhar ayaa noqotay mid laga baqo iyadoo qarax miino lagu diley saraakiil ka tirsan ciidamada dowlada iyo baarlamaanka Hirshabelle,