Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya Generaal Cabdi Xasan Xijaar ayaa magaalada Jabuuti ee Caasimada dalka Jabuuti tababar ugu soo xiray ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya.

Ciidamadan ayaa waxa ay dhamaysteen tababar u socday muddo saddex bilood ah, ka hor inta aan maanta si rasmi ah loogu soo xirin tababarka.

Saraakiil ka tirsan Booliska dalka Talyaaniga iyo Jabuuti ayaa tababarkaan bixinaayay,iyadoo mudada saddexda bilood ah ay ciidamada Soomaaliyeed ku soo korosadeen aqoontii u dambeysay ee booliska caalamka.

Qudbad uu u jeediyay Taliyaha Ciidamada Booliska Soomaaliya Generaal Cabdi Xasan Xijaar ciidamadan ayuu kula dardaarmay in ay cashirada ay barteen mudadii ay tababarka jireen uga faa’iideeyaan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed iyo shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamada dalka Soomaaliya oo dib u dhis xoog leh ku socdo ayaa waxa ay tababaro ku soo qaataan dalal kala duwan oo caalamka ka mid ah.