Culumaa’udiinka Muqdisho ayaa si weyn ugu kala qeybsamay Muxaadarada Sheekh Maxamed Umul ku qabanayo magaalada Muqdisho, iyadoo hadalo ka soo yeeray Culimada ay siyaabo kala duwan uga hadleen.

Sheekh C/qaadir Soomow oo ah Afhayeenka Hey’adda Culimada Soomaaliyeed ayaa ka soo horjeestay muxaaradada Sheekh Umul ku qabanayo Muqdisho, isagoo ku eedeeyay in Sheekhu horay u taageeray fikirka xagjirka ah, isla markaana Culimada Suufida ku tilmaamay inay gaalo yihiin, waxaana uu ugu baaqay dadka Muqdisho in aanay ka qeyb gelin muxaadaradaas.

Hase ahaatee Sheekh Maxamed Umul oo ka hadlay eedeynta Sheekh Soomow ayaa ku tilmaamay waxba kama jiraan iyo in aan la socon wadciga oo uu hurdo ka soo kacay.

Shir jaraa’id oo ay xalay Muqdisho ku qabteen Sheekh Bashiir Axmed Salaad iyo Sheekh Cali Wajiis ayaa waxay sheegeen in hadalka Sheekh Soomow aanu aheyn mid uu ku matalayo culimada, isla markaana uu yahay ra’yigiisa shaqsiga, waxaana ay tilmaameen in Sheekh Soomow uu gef u geystay Sheekh Umul

“Hadalka ka soo yeeray Sheekh Soomoow ma ahan mid u ku matalayo culimada ee waa kalima ra’yigiisa ah, haddii Sheekha uu wax tabanayo ama su’aal uu qabo waxay ahayd in uu culimada Soomaaliyeed la soo xiriira, Sheekha in uu ku degdego arrin noocaas ah ma ahayn”ayuu yiri Sheekh Bashiir Axmed Salaad.

Sheekh Cali Wajiis oo ka hadlay arrintan dhankiisa  sheegay in eedeemaha loo heysto Sheekh Umal aysan waxba ka jirin oo aanan loo heynin wax cadeyn ah, isagoo xusay in la qabanayo muxaadarada sida uu hadalka u dhigay.

“Hadalada Sheekh Soomoow uu ka sheegay Sheekh Umal waxay dhaawacayaan wixii Sheekh Umal uu ka mudnaa Soomow iyo ummadda Soomaaliyeed iyo gargaarkii uu Sheekh Umal u fidiyay dadka Soomaaliyeed, Sheekhaa waxaa uu keenay 330 kun oo doolar oo uu soo uruuriyay dadka Soomaaliyeed ee dhibaateysan, Sheekh Soomow na waxaa uu meel uga dhacay dhaqanka Soomaalida”ayuu yiri Sheekh Cali Wajiis.

Sheekh Soomow ayaa dhankiisa mar kale Jawaab ka bixiyay hadalka kasoo yeeray Culimadda Muqdisho ayaa sheegay inuu Sheekh Umul ku heysto caqiido ee aanay gef aheyn, waxaana uu xusay in gefkii uu geystay ay ku heystaan oo ay caddeyn u hayaan sida uu yiri.

Muxaadaradii lagu waday in maanta oo Jimco ah ka dhacdo magaalada Muqdisho ayaa dib ugu dhacday maalinta Axada oo taariikhda ku beegan tahay 24 November, waxaana dowladda ay arrintan u saartay Guddi Wasiiro ah iyo Guddoomiyaha Gobolka oo kala shaqeynaya qabsoomida muxaadaradaas.