Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya Sheekh Daahir Maxamuud Geelle oo maanta ka qeyb galay Barnaamij Dood ah oo lagu falanqeynayay xaaladaha siyaasadeed ee dalka ayaa si aad ah u dhaliilay qaabka ay wax u wado dowladdii uu ka tirsanaa ee uu iska casilay bishii May ee sanadkan.

Daahir Geelle ayaa ka sheekeeyay dhacdooyinkii dhex maray isaga iyo Mas’uuliyiintii ka tirsanaa dowladda, gaar ahaan Madaxda dalka, isagoo xusay in mar kasta fikirkiisa siyaasiga la wadaagi jiray madaxda iyo sida ay tahay in dadka la isku wado.

Mar wax laga weydiiyay go’aanadii ugu xasaasiga badnaa ee dowladda ay qaadatay iyo haddii ay jiraan qaladaad ay gashay ddowladdii uu horay uga tirsanaa, gaar ahaan dhacdooyinkii kala ahaa weerarkii guriga C/raxmaan C/raxmaan C/shakuur iyo tallaabadii diyaaradda looga xayiray Madaxweynihii hore Sheekh Shariif ayuu xusay in aanu la dhacsaneyn in la qaado tallaabooyinkaas.

Waxaa uu sheegay inuu jeclaan lahaa in Madaxweynaha Soomaaliya uu maqaam dhowro Madaxweynayaashii ka horeeyay, gaar ahaan waxaa uu xusay in Madaxweyne Farmaajo marka uu xilka ka dego sida uu u jeclaan lahaa in loo maamuuso sida isaga uu rabo oo kale inuu u dhaqo walaalihiisa, taasna ay isaga ula quruxaneyd inuu sameeyo, balse Madaxweynihii talinayay uu siriqday.

Sidoo kale mar uu ka hadlayay dhacdii guriga C/raxmaan C/shakuur ayuu ku tilmaamay inay aheyd haddii ay jirto qalad la galay oo dhacdo dhabar jab laga soo bilaabay xilligii Carte lagu soo doortay C/qaasim ay aheyd tii ugu weyneyd ee dhacda.

“Weerarkii guriga C/raxmaan C/shakuur wuxuu abuuri karaa dhacdo ugub ah, wuxuu abuuri karaa xurmo daro ku timaado siyaasiga Soomaaliga haddii uu xilka ka dago, Madaxda hada labisan ee xilka joogta haddii ay ka xilka ka dagaan waxaa la rabaa inay noqdaan lama taabtaan, ma rabin in hey’daha nabadgelyada in la baro inay siyaasiga gaadaan, laakiin waxaa rajeynayaa inay noqoto dhacdp sooma noqoto, oo mar dambe aanay dhicin”ayuu yiri Wasiir Daahir Geelle.

Mar uu talo u jeediyay Madaxweyne Farmaajo ayuu ugu baaqay in la joogo xilligii uu dhaxalka reebi lahaa, lana doonayo in waqtigii uu dadka Soomaaliyeed isu keeni lahaa oo taariikhda u geli laheyd, balse aanay taariikhda u geli doonin sida uu uga adkaado siyaasiyiinta

“Madaxweyne nin siyaasada ku soo jira ayaa ahay, waxaa ogahay dad badan oo hareeraahaga joogo in aanay kula yeelaneyn dhaxalka aad reebeysid, jeclaan lahaayeen doroashooyin qaloocan oo qaab daran oo ku shubasho ah wax ku yimaado oo aad adiga ku sii joogto, adiga culeyska iyo ceebta aad qaadatay, iyagana hareera jooggaaga danta ay ku qabaan ay u sii jirto, Madaxweyne waxaa ku haray maalinkii dhaxalkaga aad reebi laheyd, waxaa ka haray doorashooyin qurux badan, dadkii oo isu doontid, waxaa taarikhda ku geli doonta inta maamul gobol ee siyaasi ee ka adkaatay ku geli meydis, inta iyagoo ku diidan oo soo maslaxday dalka ku soo dartay ayaa ku geli doonta, inta shey aad u dulqaadatay ayaa ku geli doonta, inta duulaan ee gudaha aad qaaday ku geli meysid, markii wuxu kaa qaloocdaan oo taariikhda la qori tago dadka kugula taliyay iyo kuwa ku hareer joogo kuwa faa’idada ama awoodda ku qaba hareer jooga nacfiga ayaga un ayaa qaadanaya, ceebta adiga ku hareysaa, xilli dhaxaleedkeeda la joogaa xususuusnaaw doorashooyin qurxan qabo”

Halkan hoose ka daawo Wasiir Daahir Geelle.

Danjire Daahir Geelle: Madaxweyne waxa haray muddadii aad dhaxalka reebi lahayd!

Danjire Daahir Geelle: Madaxweyne waxa haray muddadii aad dhaxalka reebi lahayd!Dadka ku hareera jooga Nafciga ayay qaadanayaan adiga ayay ceebtu kuu hareysaa!

Publiée par Risaala Media Corporation sur Vendredi 4 octobre 2019