Ururka Daalibaan ee dalka Afghanistan ayaa sii daayay labo ruux oo ka soo kala jeeda dalalka Maraykanka iyo Australia kadib markii la sii daayay saddex ka tirsan dagaalamayaasha ururka Daalibaan.

Kevin king oo Maraykan ah iyo Timoty Weeks oo Australian ah ayaa la sii daayey muddo saddex sannadood ah ka dib markii laga qafaashay  jaamacadda American University of Afghanistan ee Kabul.

Labadan ruux ee la sii daayay ayaa waxa ay luqada Englishka ka dhigi jireen Jaamacada magaalada Kabul ayaa la weeraray xilli ay ka baxayeen xarunta jaamacada bishii August 2016.

Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee US Navy Seals ayaa dhowr maalin kadib isku dayay inay soo furteen hase yeeshee u suurtogeli weyday kadib markii laga wareejiyay halkii lagu hayay.

Maxaabista ka tirsan Daalibaan ee la sii daayay   ayaa gaaray dalka Qadar oo dhexdhexaadin ka dhex waday Maraykanka iyo Daalibaan.

Saddexdan taliye waxaa ka mid  ah Anas Haqqani oo ka mid ah qoys saameyn weyn ku lahaa ururka Daalibaan.

Anas Haqqani walaalkii  ka wayn, Sirajuddin, waxa uu hogaamiyaha shabakad dagaal yahannada Haqqani ah waxaanu sidoo kale yahay hogaamiye ku xigeenka Taliban, ururkaas oo xafiis siyaasadeed ku leh Qatar.

Waxa la rajaynayaa in maxaabiis is dhaafsigani xoojin doono dedaalka loogu jiro dib u bilaabidda wadahadallada nabadeed ee u dhaxeeyey Daaliban iyo Maraykanka.