Madaxweynaha Masar C/fataax Al-Sisi ayaa heshiis ka dhex dhaliyay Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta, iyadoo warar kala duwan uu ka soo baxayo kulankan iyo is afgaradka ay gaareen.

Ajandaha kulanka saddex geesoodka ee uu soo qaban qaabiyay Madaxweynaha Masar ayaa waxaa ku jiray arrinta Kiiska Badda ee dacwadeeda taal Maxkamadda ICJ, waxaana ajandahaas in lagu soo daro kulanka uu dhalinayaa shaki kala duwan oo saameyn karta hannaanka ay u socoto dacwada taal Maxkamadda ICJ.

Sidoo kale waxaa muuqata inuu meesha ka baxay oo uu buray go’aankii Soomaaliya ee ahaa in kulanka kasta ee dhex mara Kenya laga saaro ajandaha Kiiska Badda, laguna koobo xiriirka labada dal oo kaliya

Waxaa kaloo meesha ka baxay go’aankii ahaa arrinta badda loogama hadli karo meel ka baxsan maxkamadda ICJ  oo xalay ayaa laga hadlay, dib ayaana loo balamay in guddi loo saaro is afgaradkii madaxda labada dal.

Waxaa dib loo dhigi doonaa dhageysiga dacwada ee lagu balansan yahay November 4, 2019 si wada hadalka fursad loo siiyo, Kenya ayaa weli wada isku day kale oo ah in mar kale dacwada ICJ dib loo dhigo, si wada hadalka loo sii wado.

Inkastoo qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Villa Soomaaliya lagu sheegay in kulanka looga hadlay in Kiiska Badda go’aankiisa loo daayo Madaxda labada dal, hadana waxaa lafteeda culeys yeelan kara in kulankaba looga hadlo arrin ku saabsan Badda, taasoo u gogol xaari karta galaan-galkii Kenya waday, isla markaana Midowga Afrika uu gadaal ka riixayay ee ahaa in qaab wada hadal loo galo arrinta Badda.

Madaxweynaha Masar oo heshiis ka dhax dhaliyey Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya

Madaxweynaha Masar oo heshiis ka dhax dhaliyey Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya,Maxaa ka jira in Soomaaliya lagu qanciyey in Kiiska Kenya ay ku sheeganeyso qeyb ka mid ah badda Soomaaliya ee Maxkamadda ICJ ka furan lagasoo celiyo Maxkamadda qaab diblomaasiyadeedna lagu xalliyo?Wax badan ka ogoow Kulanka madaxweynayaasha dhax-maray.https://www.dalsantv.net

Publiée par Dalsan TV sur Mardi 24 septembre 2019