Maamulka Gobolka Banaadir ayaa gurigiisa ku wareejiyay Muwaadin lagu magacaabo Aweys Xaaji Muriidi, kaasoo gurigiisa oo ku yaal degmada Shingaani si xoog ah looga deganaa muddo 30 sano.

Aweys Xaaji Muriidi ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay in gurigiisa lagu soo wareejiyo, isagoo uga mahad celiyay Maamulka Gobolka Banaadir iyo Ciidamada Booliska oo fuliyay amarkii dadkii degenaa gurigaas looga saaray.

Ciidamada Booliska ayaa xoog uga saaray dadkii guriga degenaa, kaddib markii ay dhamaatay mudadii loo qabtay inay guriga uga guuraan oo ay Maxkamadda Gobolka ku amartay.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Eng. C/raxmaan Yariisow ayaa muwaadinkan ku wareejiyay gurigiisa, waxaana uu sheegay in tani ay farriin u tahay dadka xoogga ku degan guryaha aysan laheyn in maalin un laga saari doono.

Waxaa uu sheegay in dadkii gurigan degenaa ay ka dhega adeegeen awaamiirtii ay siiyeen, waxaana uu balan-qaaday in Maamulka Gobolka Banaadir uu gacan ka geysan doono dayactirka gurigan uu lahaa muwaadinka Soomaaliyeed ee xoogga looga degenaa muddo 30 sano ah.

“Waxaan Aweys Xaaji Muriidi ku wareejinay gurigiisa oo 30 sano laga degenaa.,Waxaan digniin u dirayaa kuwa weli guryo aysan laheyn diidan inay ka baxaan iyo kuwa dokumenti been abuur ah sameysta, dadka weli guryaha ku dhabar adeegaya, inay tan tusaale ugu filnaato”ayuu yiri Guddoomiye Yariisow.

Halkan hoose ka daawo wareejintii Guriga

Waxaan Aweys Xaaji Muriidi ku wareejinay gurigiisa oo 30 sano laga degenaa. Waxaan digniin u dirayaa kuwa weli guryo aysan laheyn diidan inay ka baxaan iyo kuwa dokumenti been abuur ah sameysta

Publiée par Abdirahman Omar Osman sur Jeudi 18 avril 2019