Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa khudbad ka jeediyay furitaankii kalfadhiga 45aad ee Golaha Wakiilada Puntland, kaasoo si rasmi ah uu maanta uga furmay Xaruntiisa Garowe, iyadoo furitaanka kalfadhiga Golaha Wakiilada ku soo aaday xilli xasaasi ah oo hadal heyno kala duwan ka jiraan Puntland.

Khudbaddii furitaanka ee uu jeediyay Madaxweyne Deni ayuu uga hadlay arrimo kala duwan oo maamulkiisa qabtay mudadii sagaalka bilood ee uu xilka hayay.

Xildhibaan Cawil Daad oo ka tirsan Golaha Wakiilada Puntland ayaa markii khudbada furitaanka uu dhameeyay Madaxweyne Saciid Deni waxaa uu weydiiyay su’aal adag oo la xiriira xaalada ka jirta Puntland iyo kacdoono uu sheegay in looga soo horjeedo Madaxweynaha Puntland, kuna jira maalmihii ugu dambeeyay ee muddo xileedkiisa.

Madaxweynaha Puntland Saciid C/llaahi Deni ayaa si kulul uga jawaabay su’aasha Xildhibaanka ayaa sheegay inuu is hortaag ku sameeyay in xildhibaano fara ku tiris ah la wareegaan maamulka dowladda oo ay wax ka go’aamiyaan.

Saciid Deni ayaa markii uu su’aasha si kulul uga jawaabay isaga baxay hoolkii xarunta Golaha Wakiilada Puntland, isagoo aad u careysan.

Halkan hoose ka daawo 

Madaxweyne Siciid Deni oo si kulul ugu jawaabay Xildhibaan Cawil Daad oo ka tirsan Baarlamaaka Puntland

Xildhibaan Cawil Daad oo su’aal weydiiyay Madaxweyne Siciid Deni iyo Madaxweynaha oo si adag ugu jawaabay.

Publiée par SBC Somali TV sur Samedi 26 octobre 2019