Mid ka mid ah guddi farsamo oo xuduudaha u qaabilsan dowlad goboleedka Hirshabelle oo uu dhowaan magacaabay wasiirka arrimaha gudaha Hirshabelle ayaa ku dhowaaqay inuu iska casilay xubinimada guddigaas.

Maxamed Abshir Nuur oo ku nool degmada Balcad ee gobolka Sh/dhexe ayaa sheegay in aan lagala tashan waxbana uusan ka ogeyn warqada ka soo baxday xafiiska Wasaarada Arrimaha Gudaha Hirshabeele ee xubinta looga dhigay gudiga xaduudaha Hirshabeelle,

Magacaabista Guddiga Farsamada Xuduudaha ee Maamulka hirshabeelle, ayaa sidoo kale waxaa ka Horyimid qaar ka mid ah beelaha dega goblaka Hiiraan.

Sidoo kale qaar kale oo ka mid ah xubnaha guddiga farsamo ee uu magacaabay Wasiirka Arrimaha Gudaha Hirshabelle ayaa sheegay inaysan ka warqabin magacaabistan.
Halkan hoose ka daawo Maxamed Abshir oo ka hadlay magacaabistiisa.