Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo magaalada Paris ee dalka Faransiiska uga qayb galay shirka sanadlaha ah ee madasha nabadda Paris, ayaa sheegay in ay muhiim tahay in saaxiibada caalamka ay muhiimad gaar ah siiyaan maal gelinta hannaanka dib-u-kabashada dalka.

“Maalgelinta dib-u-dhiska hay’adaha dowladeed, waa in ayada lafteeda loo arkaa inay ka mid tahay dadaallada la doonayo in lagu gaaro Himilooyinka Horumarka Qaranka.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dood uu ka qayb galay waxa uu ka caddeeyay in Soomaaliya ay hiigsaneyso horumar ballaaran oo u horseeda in ay soo ceshato kaalintii ay dunida horay ugu laheyd.

Khudbada Ra’iisul Wasaaraha ayaa aheyd mid aad dad badan u soo jiidatay, kartida, dhiiranaanta iyo sida aan gambashada laheyn ee uu ula hadlayay ka qeyb galayaasha  Shirka Madasha Nabadda Paris.

Ra'iisul Wasaare Kheyre oo ugu baaqay Beesha Caalamka in wax laga bedelo qaabka loo caawiyo Soomaaliya.

Publiée par Abdiaziz Golf sur Mardi 12 novembre 2019