Madaxweynaha Maamul Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo maanta gaaray magaalada Beledweyne oo ay uu wabiga Shabelle ku fatahay ayaa walwal ka muujiyay dadka ku go’odoonsan gudaha magaalada Beledweyne.

Maxamed Cabdi Waare madaxweynaha Hirshabelle ayaa ka qeybgalay maanta aaska illaa lix ruux oo ka mid ahaa dadkii shalay ay la rogmatay doon ay saarnaayeen gudaha magaalada Beledweyne.

Kumanaan ruux oo ka mid ah dadkii ku noolaa magaalada Beledweyne ayaa weli ku dhex jira guryahooda kadib markii u suurtogeli weyday inay ka baxaan.

Waxaa cabsida dadkaas sare u sii qaaday kadib markii doontii ugu weyned ee dadka ka soo saareysay xaafadaha ay shalay quustay dad badana ay ku dhinteen.

Madaxweyne Waare ayaa sheegay in boqolkiiba sagaashan magaalada Beledweyne ay biyaha gaareen ayna walwal ku hayso fatahaadaha soo laablaabtay.

Halkan hoose ka daawo Madaxweyne Waare oo ka hadlaya fatahaada Beledweyne;