Dab xooggan ayaa xalay waxaa uu ka kacay goobo ganacsi oo ku yaalla Wadada Maka Al-Mukarama, gaar ahaan Isgoyska Dabka, iyadoo dabka uu markii hore ka bilowday Maqaayad lagu magacaabo Barwaaqo.

Dabkan ayaa bilowday abaarihii 4-tii habeenimo ee saq dhexe, waxaana uu soo gaaray illaa 5-tii, kaasoo sababay khasaare hantiyadeed.

Gawaarida dab damiska ee Gobolka Banaadir ayaa ka qeyb qaatay daminta dabka xalay ka kacay goobo ganacsi oo ku yaalla wadada Maka Al-Mukarama.

Wararka ayaa sheegaya in dabka uu saameeyay goobo ganacsi ku dhegnaa Maqaayadda, waxaana goobahaas isugu jireen Dukaan lagu iibiyo qalabka Elektaroonigada, Tima Jare, farmashiye iyo dukaan xalwada lagu iibiyo.

Illaa iyo hada lama soo bandhigin tirakoob sax ah oo ku aadan khasaaraha ka dhashay dabka, iyadoo xilliga uu kacay ay aheyd saq dhexe.