Dowlad goboleedka Galmudug ayaa soo saartay amaro dhinaca ammaanka ah oo quseeya dadka hubka kuhaysta Koofurta magaalada Gaalkacyo.

Qoraal ka soo baxay Wasaaradda aamniga dowlad goboleedka Galmudug ayaa ku amray dhammaan dadka rayidka ah ee hubka ku dhex haysta koonfurta magaalada Gaalkacyo inay iska diiwaan geliyaan Wasaaradda amniga si loo xaqiijiyo ammaanka.

Amarkan ayaa waxa uu saameynayaa hay’adaha gaarka ah ,shirkadaha iyo dhammaan dadka haysta hubka.

Sidoo kale waxaa lagu sheegay qoraalkan ka soo baxay Wasaarada Amniga Koofurgalbeed in ay is diiwaangeliyaan dadka aan la garaneyn oo yimaada magaalada Gaalkacyo.

Koofurta magaalada Gaalkacyo ayaa hore dabley hubeysan oo isugujira ciidamo iyo dad kale ay dilal ka geysteen koofurta magaalada Gaalkacyo.