Madaxweynaha koonfur galbeed Somalia Mudane Abdiaziz Hassan Mohamed (Lafta gareen) iyo Maamulaha Dahabshil group Koonfurta iyo Bartamaha Somalia Hassan Abdi Awad.

Ayaa xariga ka jaray Dhisme casriya oo ay shirkada dahabshil ka hirgelisay magaalada baydhabo dhismahan ayaa noqonaya mid xarunta dhexe u noqon doona shirkada dahabshil group isla markaan laga heli doono adeegyada shirkadu bixiso.

Munaasabad balaaran oo lagu daahfuraayay Dhismaha Cusub oo ay Shirkadda Dahabshiil Group ayaa lagu qabtay Hoolka Ruun jinaat ee magalada baydhabo iyadoona ay ka soo qayb galeen

Masuuliyiin kala duwan oo ka kala socday Maamulka koonfur galbeed soomaaliya, maamulka dahabshiil group koonfurta iyo bartamaha soomaaliya, ganacsato, salaadiin, culamaa’u diin aqoonyahano haween iyo marti sharaf kale.

Ugu Horeyntii Waxaa Munaasabada Daahfuray Gudoomiyaha Dahabshiil Group Deegaanada Baay & Bakood Mudane: Ibrahiim Cali Cabdi Isagoo Bogaadiyaya Marti Sharaftii Ka Soo Qeyb-Gashay Munaasabada Waxa Uu Ku dheeraaday Ahmiyada Dahabshiil Group Dadka & Deegaanka Koonfur Galbeed

Waxaa sidoo kale xaflada ka hadlay Maamulaha guud Dahabshil group ee konfurta iyo badhtamaha Somalia Hassan Abdi Awad isagoona sheegay in shirkaduna jeceshahay reer koonfur galbeed Iyana ay na jecelyihiin ayna shirkadu u keeni doonto adeegyo technology oo casri oo uu ka mid yahay Xadhiga Internetka xawaaraha sare Fiber Optic.

Waxaa sidoo kale ka sheekeeyay adeegyada ay u keenen reer koonfur galbeed maamulaha guud ee koonfurta iyo badhtamaha ee isgaadhsiinta somtel Abdirahman Isak sida Internetki xawaare sare leh 4g+ oo qiimo jabana iyo adeegyada kale muhiimka sida kuhadalkii eDahab sidoo kale Maamulaha Dahabshil Bank international Osman halane ayaa ugu bishaareeyay ganacsatada in KGS bank u maalgelin doono ganacsiga waawayn iyo kuwa yar yarba iyagoo loo simanyahay. Horena uu umaalgeliyay hadana lasii laban laabi doono.

Wasiirka Maaliyada KGS ayaa shirkada dahabshil uga mahadceliyay kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka ay kusoo kordhisay deegaanada koonfur galbeed iyo guud ahaan Somalia. Waxaa isna xaflada ka hadlay gudoomiyaha baarlamaanka Abdikadir Shariif Sheekuna maye oo ku dheeraday dedaalada ay ku hogaaminayso horumarka KGS iyo maalgelinta ay ku bixisay ee ay kor ugu qaaadayso ganacsiga deegaanada KGS.

Waxaa ugu danbayn ka hadlay xafalada madaxweynaha koonfur galbeed oo dahabshil uga mahadceliyay in baydhabo ka dhistay gurigii ugu quruxda badnaa isagoona sidookale soo dhaweeyay maalgelinta uu bank dahabshil ka sameeyay deegaanada KGS ee isugu jira maalgelinta waawayn iyo kuwa yar yar micro finance oo lagu korinayo ganacsatada.