Askari ka tirsan ciidanka dowladda ayaa degmada C/casiis ku dilay wiil dhalinyaro ah oo ka mid ahaa darawalada kaxeysa mooto bajaajta.

Wiilka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Ismaaciil Maxamed Saciid, waxaana la sheegay in askarigii falkaas dilka geystay la qabtay.

Ciidamada Booliska degmada C/casiis ayaa gacanta ku dhigay askariga dilka geystay oo ku sugnaa agagaarka Koontaroolka Xeebta Liido.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in wiilka la dilay iyo askariga ay dhex martay muran, waxaana markii dambe askariga uu rasaas kaga dhiftay qeybaha sare ee jirkiisa, taasoo keentay in wiilka dhalinyarada ahaa ee moota bajaajka waday uu goobta ku geeriyoodo.

Ciidamada dowladda ayaa dhowr jeer oo hore Muqdisho ku dilay dhalinyarada kaxeysa mooto bajaajta.