Darawalada Gaadiidka dadweynaha ee Muqdisho ayaa maalintii 3aad bannaan bax ay uga soo horjeedaan waddooyinka xiran ka wada qeybo ka mid ah magaalada, iyadoo bannaan saaka ay ku bannaan baxeen Taalada Daljirka Dahsoon ee degmada Boondheere.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa darawalada gaadiidka dadweynaha iyo kuwa bajaajta ee ka shaqeeya Muqdisho waxay dibad bax ka sameeyeen Isgoysyada Zoobe iyo KM4, halkaasoo ay muddo saacado ah xanibeen.

Qaar ka mid ah darawalada oo saaka khadka taleefanka kula hadleen warbaahinta ayaa sheegay in bannaan baxooda uu ku saleysan yahay xirnaanshaha waddooyinka Muqdisho iyo canshuuro lagu kordhiyay.

Bannaan bixii shalay ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa is-hortaag ku sameeyay Ciidamada Booliska, iyagoo xiray Wariyeyaal bannaan baxa duubayay, kalana wareegay qalabkooda.

“Saakay waxaa ku bannaan baxeynaa Daljirka Dahsoon, bannaan baxeena wuxuu daba socdaa kuwii labadii maalmood ee la soo dhaafay ka dhacay Muqdisho, waa sii wadeynaa illaa rabitaankeena nagala fuliyo, canshuur in lagu kordhiyo iyo in waddooyinka nagala xiro meel islama galeyso”ayuu yiri Maxamed Faarax oo ka mid ah darawalada gaadiidka.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in gaadiidka BL-ka ee ka shaqeeya magaalada dhowr goobood lagu celiyo oo ay rakaabka ku daadiyaan, halka markii hore ay magaalada meel walba isaga kala gooshi jireen.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed ayaa shalay ku baxay cabashada darawalada gaadiidka, isagoo u saaray guddi xaliya cabashadooda, waxaana uu caddeeyay in wada hadal u socdo maamulka iyo guddi ay iska soo dhex magacaabeen gaadiidleyda, si isfaham looga gaaro cabashadooda.

Ciidamada Ammaanka ayaa dhowr bilood ka hor xiray dhammaan isgoysyada Wadada Wadnaha, iyadoo gaadiidka ka yimaada dhanka waqooyi ka ah wadadaas la celinayo oo ay ku kala wareegayaan isgoysyada ku teedsan jidkaas.

Dowladda Federaalka ayaa canshuurta ugu badan ka qaada gaadiidka ka shaqeeya magaalada sida BL-ka iyo Bajaajta oo ah gawaarida ugu badan ee magaalada ka shaqeeya.