Deegaanada uu maamulo ururka Alshabaab ayaa maanta laga ciiday iyadoo boqolaal ruux ay isugu soo baxeen fagaarayaal ku yaal deegaanadaas.

Shacabka ku nool degmooyin ay ka mid yihiin Jilib,Bu’aale,Saakow.Ceelbuur.Ceel-dheer iyo deegaanko kale ayaa saaka si wayn isugu soo baxay fagaare loogu magac daray Macallin Aadan Xaashi Ceyroow.

Salaada kadib waxa fagaarayaasha lagu tukaday ka hadlay mas’uuliyiin katirsan ururka Alshabaab iyagoo sheegay inuu socdo weli jihaadka ay kula jiraan dowlada Soomaaliya.

Ciida Carafo ayaa maanta caalamka Islaamka laga ciiday iyadoo malaayiin ruuxna ay gudanayaan waajibaadka xajka sanadkan.