Kumannaan ruux oo ka mid ah Dadka ku nool Caasimadda Muqdisho ayaa u Dukasho iyo damaashaad tegey Deegaanka Casriga ah ee Daarusalaam oo ku yaalla duleedka Magaalada Muqdisho.

Dadkan oo ka kala yimid Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Deegaannada ku hareereysan ayaa Salaadda Ciidda ku oogey Barxadda weyn ee Masjidka Daarusalaam, iyagoo kadibna u dareeray in ay ku damaashaadaan Beerta Dalxiiska ee Daarusalaam oo si weyn loogu qalabeeyey Agabka ay Carruurtu ku ciyaaraan iyo goobo nasiino oo loogu talo galay Dadka waaweyn.

Qaar ka mid ah dadka u damaashaad tegey deegaankaan oo aan Microphone-ka la dhexmarnay ayaa muujiyey sida ay uga heleen bilicda iyo Agabka loo diyaariyey carruurta, waxa ayna bogaadin iyo mahad celin u direen Ganacsatadii hir gelisay Deegaankan.

Guddoomiyaha Deegaanka Daarusalaam Maxamed Sheekh Maxamuud oo saxaafadda la hadlay ayaa xusay in ay heegan ugu jiraan sidii ay u dabooli lahaayeen baahida macaamiisha usoo Dalxiis tagtay deegaanka, wuxuu sidoo kale xusay in ay soo kordhinayaan Qalab cusub oo isugu jira nuuca ay Carruurta iyo Dadka waaweyniba aya ku ciyaaraan.

Goobtan oo ah meel ammaan ah, ayaa waxa ay can ku tahay in dadweynaha ku nool Muqdisho iyo hareereheeda u dilxiis tagaan xiliyada ciidaha, iyadoo haatanna lagu soo kordhiyey adeegyo dheeri ah oo loogu tallo galay dadka usoo damaashaad taga Daarusalaam City.

Deegaankan oo kooban xaafado si casri ah loo dhisay, beero lagu dalxiiso, goobo wax barasho, Suuqyo iyo Xarun laga dhaliyo Korontada ayaa waxaa maal geliyey Bangiga Salaam Somali Bank.