Munaasabad lagu dhaarinayo Xildhibaanada cusub ee Baarlamaanka labaad ee Jubbaland ayaa ka socota magaalada Kismaayo, iyadoo xubnaha la dhaarinayo ay yihiin liiskii 73-da Xildhibaan ee xalay shaaciyeen Guddiga Madaxa bannaan ee doorashooyinka Jubbaland.

Xildhibaanada ayaa loo dhaarinayaa si koox koox ah, iyadoo loo diyaariyay kitaabka qur’aanka Kariimka oo lagu dhaarin doono.

Dhaarintan ayaa ka dhigan tallaabada koowaad ee u bilowday Baarlamaanka Jubbaland oo wixii hadda ka bilowda guda geli doona doorashada Guddoonka cusub iyo tan Madaxweynaha Jubbaland ee dhowaan la qaban doono.