Isbitaalka Takhasusiga ee Kalkaal ee magaalada Muqdisho ayaa bulshada Soomaaliyeed ku war galinaya in Isbitaalka ay imaanayso kana howl galayso Dhaqtarad u dhalatay dalka Hindiya oo ku takhasusay Daaweynta cudurada ku dhaca Haweenka iyo qaliinadooda.

Dr THENMOZHI MS oo ka howlgasha Isbitaalo ku yaala Hindiya ayaa Muqdisho u imaanaysa sidii uu haweenka Soomaaliyeed uga daweyn laheyd dhalmo la’aanta, qaliinada burooyinka minka gala ,furista tubooyinka ugxaanta qaada iyo cuduro kale.

Dhaqtarada ayaa imaanaysa kana howlgalaysa Isbitaalka Kalkaal 10-bisha November ilaa 15-ka bisha , waxa ayna dhaqtarada inta ay joogto Isbitaalka ay sameyn doontaa daaweyn iyo qaliino kala duwan oo cudurada haweenka ah .

Cudurada oo Dhaqtarada Daaweyn doonto waxaa kamid ah
1-La Tacaasilada Dhalmo la’aanta Dumar
2-Qaliinka burooyinka minka gala
3-Furista tubooyinka ugxaanta qaada
4-Qaliinada Buro biyoodka
5-La tacaalida Dhiciska iyo waxyaabaha keena

Dhamaan qaliinada uu sameenayo Isbitaalka Kalkaal ayaa loo adeegsan doonaa hab lesar oo casri ah, waxaana dadweynaha Soomaaliya lagu wargalinayaa in ay ka faa’iideestaan dhaqtaradan dalkooda hooyo loogu keenay.

Waxii Faah faahin ah kala xiriirTell:0617633661 ama 0617633662 .Sidoo kale kala xiriirka Numberka gaaban ee 4040