Guddiga Farsamada ee Maamul dhisidda Galmudug ayaa maanta magaalada Dhuusamareeb ka bilaabay howshii u horeysay ee bilowga u ah soo xulida Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug, iyagoo la kulmay Odayaasha dhaqanka ee saxiixayaasha ah.

Guddigan ay soo magacawday Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa la kulmay Odayaasha dhaqanka Galmudug ee ah saxiixayaasha Liiska Xildhibaanada, waxaana ay ka wada hadleen sidii loo dardargelin lahaa geeddi socodka dhismaha Galmudug loo dhan yahay.

Odayaasha dhaqanka ee saxiixayaasha ay ayaa la filayaa in maalinta Sabtida ee soo socota la xareeyo, waxaana Odayaasha saxiixayaasha iyo Guddiga ka wada shaqeyn doonaan howsha soo xulida Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ee 89-ka ah, kuwaasoo lagu saleyn doono habka awood qeybsiga ah.

Todobaadkan ayay aheyd markii Guddiga Farsamada ee Maamul dhisida Galmudug uu ku dhawaaqay jadwalka doorashada Galmudug, iyadoo la filayo in geeddi socodka dhismaha dowlad goboleedka Galmudug la soo gabagabeeyo dhammaadka bisha December ee soo socota.