Wararka ka imaanaya magaalada Koofurta Gaalkacyo oo ah qeybta ay maamusho Galmudug ayaa sheegaya in xalay kooxo hubeysan ay ku dileen halkaas Maxamed Cabdi Kheyre oo lagu naaneysi jiray Fiimto.

Dilkan ayaa dhacay xalay abaarihii salaadii cishaha kaddib, waxaana ninka la toogtay uu ka soo baxay Masaajid uu salaadii cisha ku soo dukaday.

Wararka ayaa sheegaya in ninkan uu la shaqeynayay mid ka mid ah Hey’adaha Sama falka, waxaana horay u soo noqday Wariye ka soo shaqeeyay Idaacaddii Codka Shacabka ee magaalada Muqdisho xilliyadii Hoggaamiye kooxeedyada.

Marxuumka la dilay ayaa muddo 13 sano ku noolaa magaalada Gaalkacyo, waxaa dad asxaab la ah ay sheegeen inuu ahaa nin bulshada u dhaq dhaqaaqa oo hey’ado la shaqeynayay.

Magaalada Gaalkacyo oo u kala qeybsan Koofur iyo Waqooyi oo ay kala maamulaan Galmudug iyo Puntland, waxaa maalmihii danbe ka dhacayay falal amni daro oo dil u badan, iyadoo ay ugu danbeysay dil 27-kii bishan halkaas loogu geystay gabar 22 sano jir aheyd oo lagu magacaabi jiray Nimco Cumar Shire.