Shixnadii ugu horeysay oo ah gargaar loogu talogalay dadka ay fatahaaduhu saameeyeen ee gobolka Sh/dhexe ayaa maanta laga dejiyey garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar.

Gargaarkan oo ka koobnaa teendhooyin,maro kaneeco,bustayaal iyo qalab kale ayaa waxaa soo gaarsiiyay maamul goboleedka Hirshabelle guddiga Gurmadka fatahaadaha ee dowlada Federalka Soomaaliya.

Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta dowlada federalka xubina ka ah guddiga gargaarka fatahaadaha Cabdi Canshuur Xasan oo deeqdan ku wareejiyay maamul goboleedka Hirshabelle ayaa sheegay inay tahay deeqdii ugu horeysay balse ay dowladu keeni doonto dhowaan deeqo kale.

Munaasabadii wareejinta deeqdan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare,guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Hirshabelle Cabdi Xuseen Geedi,wasiiro,xildhibaano iyo maamulka gobolka Sh/dhexe.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare ayaa u mahadceliyay guddiga gurmadka fatahaadaha waxana uu ku baaqay in la joogteeyo gargaarka.

Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa sheegay in baahiyo badan ay qabaan kumanaan qoys oo ku nool hareeraha wabiga Shabelle kuwaasoo fatahaaduhu ay saameeyeen.

Deegaano badan oo ku yaal hareeraha wabiga Shabelle ee degmooyinka Jowhar,Balcad iyo Mahaday ayaa waxaa saameyn weyn ku yeeshay fatahaadaha wabiga Shabelle waxaana kumanaan qoys oo ku nool deegaanadaas aysan haysan wadooyin ay ugaga soo gudbaan biyaha wabiga ee ku fatahay.