Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump markale weerar afka ah ku qaaday Ilhan Cumar xilli uu ku sugnaa magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota oo ah halka laga soo doorto Ilhan Cumar.

Qudbad uu u jeediyay taageerayaashiisa ayuu si weyn ugu dhaleeceeyay shacabka magaalada Minnesota sababta ay u soo doorteen Ilhan Cumar.

“Haweeneyda Congress-ka ka tirsan ee la yiraahdo Ilhaan Cumar waa qof neceb Mareykanka waxay iska indha tirtay weerarkii September 11 ee lagu soo qaaday waddankeenna, sided ku oggolaateen in qof noocaas ah uu idinku matalayo Minnesota, aniga aad baan idiinka careysanahay dadkiinnan hadda”, ayuu yiri Trump.

Hadalka Trump ayaa qeyb ka noqonaya dagaalkii qaraaraa ee isaga iyo Ilhaan u dhaxeeyay tan iyo markii uu xilka madaxweynaha qabtay.

Hore waxay Ilhaan iyo Trump warbaahinta iyo baraha bulshada isku mariyeen eedeymo iska soo horjeeda, wuxuuna midba kan kale ku eedeeyaa inuu cadow ku yahay shacabka Mareykanka.