Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah ka dhaceysa magaalada Garowe, kaddib markii todobaadkii hore Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ay xilka ka qaadeen Guddoomiyihii Baarlamaanka maamulkaas C/xakiin Dhoobo Daareed.

Illaa saddex Musharax ayaa ku tartamaya xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, kuwaasoo dhamaantood ah Xildhibaano, sida uu dastuurka maamulkaas qabo.

Musharaxiinta ayaa waxay kala yihiin Cabdijamaal Cismaan Maxamed, Cali Axmed Dhahar iyo C/rashiid Yuusuf Jibriil.

Saddexdan Musharax ayaa maalmihii la soo dhaafay olole ka wadeen Garowe, waxaana ay xod-xodasho iyo xusul duub badan ka dhex wadeen Xildhibaanada Baarlamaanka, si ay codkooda u helaan.

Doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa si gaar ah isha loogu hayaa, waxaana la saadaalinayaa inuu soo bixi karo Musharax ay taageersan tahay Madaxtooyada Puntland.