Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay sababta keentay in uu dib u dhac ku yimaado aaska meydka Gudoomiyihii gobolka Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow.

Guddoomiyaha guddiga qabanqaabada oo ah Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Eng Cabdi Canshuur Xasan ayaa shaaciyey in dib u dhac sababay Cilad Farsamo oo ku timid diyaarada ay keentay in Aaska uu u dhaco berri subax 08:00 subaxnimo hadii uu Alle idmo.

Meydka allaha u naxarisitee guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir inj Yariisow ayaa la qorsheeyay in maanta lagu aaso magaalada Muqdisho.

Boqolaal ruux oo ku sugnaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho ayaa dib ugu laabtay guryahooda, waxaana sidoo kale xusid mudan inta badan maanta in la xiray wadooyinka Muqdisho.