Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo goordhow Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Xukuumadda Soomaaliya ay aad uga walaacsan tahay Qatar bini-aadinimo oo ka dhalan karta fatahaada Wabiyada Shabeelle iyo Jubba oo gobalada qaar durba ka bilaabau fatahaad.

Wasiirka Warfaafinta ayaa sheegay in ay soo gaartay cadeymo muujinaya in wabiga Shabeelle uu ku fatahay degaano hoos yimaado magaalada Beladweyne ee xarunta ee gobalka Hiiraan islamarkaana ay ka barakaceen kumanaan shacab ah oo u badan danyar.

Sidoo kale Wasiir Maareeye ayaa sheegay in ay jirto cabsi laga qabo in Wabiga Jubba uu fatahaad ka sameeyo degmooyin ka tirsan gobalka Gedo islamarkaana uu sameeyo dadka danyarta ah iyo kuwa kale ee ku nool jiinka Wabiga.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa ugu beeqay hay’adaha deeq bixyaasha iyo dhamaan xubnaha beesha Caalamka ee Soomaaliya ka taageera arimaha deg deg ah in ay ka qayb-qaataan gurmadka dadka ay dhibaatada saameysay sidoo kalane loo baajin lahaa in dad kale ay barakacaa.

Wabiga Shabeelle ee mara gobalada Shabeelooyinka iyo Hiiraan ayaa durba bilaabay in uu ku fataho degaano ka tirsan Hirshabeelle waxaana Beladweyne todobaadkii las oo dhaafay ka barakacay in kabadan 11 kun oo qoys kuwaas oo ku noolaa hareeraha wabiga, halka wabiga Jubba la sheegay in laga cabsi qabo in uu fatahaad ka sameeyo magaalada Baardheere ee gobalka Gedo taas oo walaac ku abuurtay dadka degaanka.